Wasiirka arimaha dibeda s/land ee jooga Cariga Maraykanka Ayaa Kulamo La Yeeshay Saraakiil Sarsare Oo Ka Tirsan Dawlada Maraykanka.
Posted by alxijaas on September 17, 2011
Wasiirka arimaha dibeda s/land ee jooga Cariga Maraykanka Ayaa Kulamo La Yeeshay Saraakiil Sarsare Oo Ka Tirsan Dawlada Maraykanka.

ceerigaabo(alxijaas) Wasiirka arimaha dibeda s/land waxa uu kulamadan la yeeshay gudoomiyaha Gudida Africa u qaabilsan Aqalka Wakiilada maraykanka Chris Smith oo ka tirsan xisbiga Republicanka ee imika ka taliya Aqalka Wakiilada, Representative Donald Payne Gudoomiye ku xigeenka Gudida Africa u qaabilsan Aqalka Wakiilada kana tirsan xisbiga Democratic-ga, Representative Keith Ellison oo ka tirsan xisbiga Democratka Dhinaca Aqalka Senateka maraykanka waxa uu dr.
maxamed C/lahi Cumar wasiirul khaarajiga Somaliland uu kulan la yeeshay Senator Christopher Coons Gudomiyaha Gudida Africa ee
Agalka Senateka kana tirsan xisbiga Democratka, Senator Johnny Gudoomiye Xigeenka Gudidaasi kana tirsan xisbiga Republicanka iyo Senator Mark Kirk oo ah Xubin ka mida Gudida Ansixisa Kharashka Dawlada Maraykanka oo ka tirsan xisbiga Republicanka.
Dhamaanba Xildhibaanadaasi uu la kulmay wasiirku waxa uu kala hadlay sidii Somaliland looga caawin lahaa dhinacyada Aqoonsiga, Dimuqraadiyada, Nabadgelyada, Dhaqaalaha,shaqo abuurista iyo abaaraha ka jira Somaliland oo saamayn ku yeeshay dadweynaha somaliland, waxaa ay dhamaantoodba masuuliyiintaasi niyadsamaan ka muujiyeen horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca nabadgelyada, dimuqraadiyada, iyo la dagaalanka budhcad badeeda.
Waxay dhinacooda muujiyeen masuuliyiintaasi inay Somaliland ka caawin doonaan arimahaasi uu wasiirku carabaabay isla mar ahaantaana ay fari doonaan hay’ada USAID in la kordhiyo mucaawimadii lasiin jiray somaliland.
by Abdrahman A ilsar
Sorry, the comment form is closed at this time.




















