Munaasabad Balaadhan Oo Lagu Furayay Sanad Dugsiyeedka 2011-2012 Ayaa Ku Qabsoontay Barxada Wayn Ee Dugsiga Sare Ee Xaaji Aadn <a
Posted by alxijaas on September 17, 2011
Munaasabad Balaadhan Oo Lagu Furayay Sanad Dugsiyeedka 2011-2012 Ayaa Ku Qabsoontay Barxada Wayn Ee Dugsiga Sare Ee Xaaji Aadn
“
Ceerigaabo(alxijaas)munaasabad balaadhan oo maanta lagu qabtay barxada wayn ee dugsiga sare ee xaaji aadan afqalooc ee magaalada ceerigaabo.
Munaasabadan ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo iyo weliba dad wayne kale oo buuxdhaafiyay barxadaasi ugu horayntiina waxa munaasabadaasi ka hadlay maamulaha dugsiga sare ee xaaji aadan maxamed jaamac faarax .
Maamulaha dugsigaas oo ka xog waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu dugsigani soo maray sheegayna in uu iminka dugsigu marayo meel fiican oo aad u saraysa isaga oo ku sii dheeraaday xaaladihii kaladuwanaa ee marba mar la soo dersayay dugsiga .
Waxa Kale oo isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka sanaag ugu horayntiina waxa uu amaan balaadhan u jeediyay macalimiintii sida fiican ula soo dedaashay Ardaydii guusha u soo hooysay gobolka hakaas oo lagu soo dhoweeyay labadii artay ee kala galay labarka koowaad iyo kan labaad .
labadan arday ayaa waxa la gudoonsiiyay shahaadooyin dhanka kale waxa iyana isla goobtaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Qaarka mida Macalimiintii dugsiga sare ee xaaji aadan
Dhanka kale godoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in dugsiga lagu soo kordhinayo macalimiin tayadoodu sarayso .
Gebagebadii gudoomiyuhu waxa uu ardaydii goobtaa buuxdhaafisay kula taliyay in ay waxbarshada ku dedaalan isga oo tusalooyin farabadana siiyay ardaydii goobtaasi ku sugnayd
reportAbdirahman A ilsar
kafeeye@hotmail.com
(alxijaasnwes)Ceerigaabo
Sorry, the comment form is closed at this time.




















