WELCOME ALXIJAAS ONLINE

SHEBEKADA WARAKA EE GOBOLKA SANAAG

  • SOMALILAND

    SOMALILAND
  • ALXIJAAS

    WELCOME ALXIJAAS
  • ALXIJAAS

  • DAALO

  • daalo
  • CEERIGAABO

  • MASAAJIDA UGU QURUXDA BADAN CAALAMKA

  • Golis Internet Erigavo

  • TV-YADA SOMALIDA

  • WAXAAD QOFKII SOO BOOQDEY EE AH

  • BBC LIVE

  • ZAAD

    ZAAD
  • TELESOM CERIGABO

  • DAHABSHIIL

  • FARDO

  • DOORO

  • GALI EMAILKA SI AAD U HESHO WARARKA UGU DANBEYEY

    Join 7 other followers

  • RSS WARAKA CAALAMKA

    • Shirka London ee Soomaaliya oo soo xirmay February 23, 2012
      Ra'iisal wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa soo gebagebeeyay shir weyn oo caalami ah oo ku saabsan Soomaaliya, isagoo u soo dhoweeyay shirka London inuu yahay meel Soomaaliya iyo adduunku ugu guurayaan xasillooni weyn iyo barwaaqo.
    • Shirka London oo furmay February 23, 2012
      Shir ballaaran oo caalami oo looga hadlayo mustaqbalka dalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacaya magaalada London.
    • Golaha Ammaanka oo ansixiyay ciidamo dheeraad ah February 22, 2012
      Golaha Ammaanka ee QM ayaa si aan kala har lahayn ugu codeeyey in la ballaariyo ciidanka Midowga Afrika ee jooga Soomaliya.
    • Ciidanka Ethiopia oo Baydhabo la wareegay February 22, 2012
      Ciidank Ethiopia oo kaashanaaya dowladda KMG ayaa Al-Shabaab ka qabsaday Magaalada Baydhabo
    • Xaalada Soomaaliya February 22, 2012
      Maxay tahay sababta loogu baahanyahay taageerada Caalamka?
    • Cameron oo ka walaacsan xagjirnimada February 22, 2012
      Ra'iisal Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa BBC u sheegay in uu ka walaacsan yahay khatarta al Shabab ay ku hayso nabadgelyada adduunka.
    • Dagaal ka dhacay Bardaale February 21, 2012
      Ciidamada dowladda KMG oo garabsanaayo militariga Itoobiya ayaa dagalyahanka Al-Shabaab kula dagaallamay Degmada Bardaale
    • HRW: Al-Shabaab waxay qorataa carruur February 21, 2012
      Hay'adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in kooxda Al Shabab ee dalka Somalia ay kordhisey inay qorato carruur u dagaalanta.
    • William Hague oo u warramay BBC Somali February 5, 2012
      Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, William Hague, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Laanta Soomaaliga ee BBC waxa uu ku sheegay in arrinta Soomaaliya ay muhiimad sare leedahay.
    • Britain oo deeqo siin doonta gobolada February 8, 2012
      Dowladda Britain ayaa mashruucyo horumarineed sanadkan bilaabi doonto inay mashruucyada ay si toos ah uga samayso gobolada.
  • WELCOME ALXIJAAS

    WIXII WARARA KALA SOCO ALXIJAAS WAA WEBSITE KA SHAQAGALA SANAAG
  • RSS WARARKA SANAAG

    • An error has occurred; the feed is probably down. Try again later.

Xildhibaano aragtiyo ka dhiibtay wajiga labaad ee Shirka wada tashiga

Posted by alxijaas on September 16, 2011

Muqdisho: (Alxijaas) Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya iyo Gudoomihii hore ee barlamanaka Puntland oo maanta ka qeyb qaatay barnaamijka dooda Jimcaha Shabelle ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay wajiga labaad ee Shirka wadatashiga Soomaaliya ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Garoowe.

Xili ay ka qeyb qaadanayeen Xildhibaanadaani ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya iyo Gudoomiyihii hore ee barlamanka Punland barnaamijka dooda jimcaha Shabelle oo maanta looga hadlayay wajiga labaad ee Shirka wadatashiga Soomaaliya ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Garoowe ayaa waxa ay kala dhiibteen fikrado kala duwan oo intooda badan lagu falan qeynayay wareega labaad ee Shirkaasi.

Xildhibaan Cali Max’ud Faarax (Seeko) oo dooda barnaamijka qeyb ka ahaa ayaa waxa uu sheegay in uu dhaliilsanaa wareegii koowaad ee Shirkaasi, isagoo tilmaamay in Shirkaasi aan lagu tilmaami karin Shir Soomaaliyeed kan iminka lagu qabanayo Garoowe uu yahay mid la mid ah kii hore ee magaalada Muqdisho lagu qabtay.

Gudoomiyihii hore ee barlamanaka Puntland Axmed Guure Aadan oo isna ka qeyb qaadanayay barnaamijka ayaa waxa uu sheegay inay haboon tahay in xiligaani lagu qabto magaalada Garoowe wajiga labaad ee Shirkaasi, isagoo tilmaamay in hadii lagu qaban waayo ay arintaasi tahay mid dibandaabyo ku ah shacabka ku nool deegaanada Maamulka Puntland.

Xildhibaan Max’ed Max’ud Xasan (Weekiyo) ayaa waxa uu isna sheegay in hadii Shirkaasi lagu qabto magaalada Garoowe aanay waxba soo kordheyn, waxaana uu carabka ku dhuftay in waxii kasoo baxa Shirkaasi hadii aan la horkeenin barlamanka KMG Soomaaliya aysan sharci ahaan doonin.

Xildhibaan Sheekh Axmed Maclin Yuusuf oo isna ka qeyb qaadanayay barnaamijka dooda jimcaha Shabelle ayaa waxa uu ku taliyay in la saxo qaladaadaka jira islamarkaana wareega labaad ee Shirkaasi laga qeyb galiyo xubnaha barlamanaka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si Shirkaasi uu u noqdo mid mira dhal ah oo ay kasoo baxaan waxyaabo muhiim ah.

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.