Mohamed Farah Abdullah( Mohamed Idleh) Oo Ka Mid ahaa Gudidda Fulinta Xisbiga Ucid Oo Is casiley
Posted by alxijaas on September 16, 2011
Alxijaas News ((>>Mohamed Farah Abdullah( Mohamed Idleh), Xubina ka ahaa
Golaha Fulinta ee Xibiga UCID isla markaana muddo dheer ku jirey Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ayaa maanta iska casiley Xubinimaddii xisbigaas, Sidaas waxa uu ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray kaasi oo udhignaa sidan.
Ku: Gudoomiyah Xisbiga UCID
Ku: Dhamaan Xubnaha Xisbiga UCID
Ogaysiin: Dhamaan Taageerayaasha xisbiga UCID iyo Shacbiga Somaliland.
Aniga oo ah Mohamed Farah Abdullah( Mohamed Idleh), Xubina ka ahaa
Golaha Fulinta ee Xibiga UCID muddo aad u dheer, Hawla badana ka soo
qabtay sidii xisbigu ugu talaabsan lahaa horumar uuna guullo u
gaadhilaha.
Hawlahaas oo aan ka soo qabtay wadankan UK oo aan deganahay iyo
degaanka Gobolka Sanaag oo aan u dhaashay gaar ahaan Degmooyinka
Ceerigaabo, Ceel-Afweyn iyo Garadag.
Waxa aan aad iyo aad uga xumahay Xisbigii tacabka iyo dedaalka weyni
aniga iyo asxaabtay iyo dhamaan dadweynaha reer Soomaalilandba ka
galay in uu maanta dhintay oo geeridiisii aynu dulfadhino.
Sidaa darted aniga oo aad uga murugaysan, buburka iyo geerida ku timi
Xisbigii Ucid waxa aan maanta oo bisha Sebtembar ay tahay 16/9/2011 u
cadaynayaa dhamaan Saaxiibaday, iyo dadweynaha reer Soomaaliland meelkasta oo ay joogaan in aan iskacasilay ka sii mid ahaanta Qalfoofta
Xisbigii Ucid ee makasta iyo wax magaratada loogu sheegaayo in
Xisbigii jiro oo la soo dhiciyahay.
Waxana aan leeyahay oo ku soo gunaanadayaa hadalkii”Tacab ba’aydhe
maantaba Haddii Timir i caayaayo”!
By Abdiwahaab
Sorry, the comment form is closed at this time.




















