Kulan Ay Yeesheen Dawlada Somalilan iyo Dawlad Jabuuti Ayaa Ka Dhacaya lowyacado Kaas Oo Lagagag Hadlayo Arimo Xasaasi Ah
Posted by alxijaas on September 16, 2011
Kulan Ay Yeesheen Dawlada Somalilan iyo Dawlad Jabuuti Ayaa Ka Dhacaya lowyacado Kaas Oo Lagagag Hadlayo Arimo Xasaasi Ah
Boorame(Alxijaas)Waxa maanta Lawyacado oo dhinaca Djibouti ah ka qabsoomay kulan Khamiisle ah oo ay ku kulmaan masuuliyiinta xadka ee labada dal. Kulankan ayaa maanta Somaliland waxa uga qayb galay badhasaabka Gobolka Salal mud.
Boorame(Alxijaas)Waxa maanta Lawyacado oo dhinaca Djibouti ah ka qabsoomay kulan Khamiisle ah oo ay ku kulmaan masuuliyiinta xadka ee labada dal. Kulankan ayaa maanta Somaliland waxa uga qayb galay badhasaabka Gobolka Salal Mud. Maxa,med Muuse Bucul, maayarka Saylac Mud. Cawad iyo Gudoomiye kuxigeenka Saylac Cismaan Muumin Maamulaha kastamka Lawyacado Cilmi Sh. Cabdi halka dhina Djibouti ay ka socdeen saraakiil ciidamada ah iyo masuuliyiinta kastamka Lawyacado ee dhinaca Djibouti.
Shabakada AlxijaasNews oo khadka taleefanka ku waraysatay Maayarka Saylac Mudane Maxamed Cumar Cawad ayaa waydiisay waxii maanta lagu gorfeeyay kulankaasi waxana uu yidhi Waxa ugu muhiimsanaa cabashooyin ay noo soo gudniyeen oo ay ka mid ahaayeen 2 arimood oo ay midi ahayd sidii loo xakamayn lahaa sigaar badan oo kootarabaan ahaan ugu gudba xaga Djibouti iyo sidii loo dhimi lahaa lacagta laga qaado dadka reer Djibouti ee ka soo laabanaya Somaliland waqtigan xagaaga arimahaas oo dhana waan ka wada hadalnay waxana ay ahaayeen kuwo ay hore uga wada hadleen wasiiro labada geesoodka socday
Maayarku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi wali waxa aan ka sugaynaa goaanadaas fulintooda xukuumada SomalilandKulanada noocan oo kale ah ayaa ah kuwo qabsooma 15 cishoba maalin isla markaana lagu gorfeeyo hadba xaaladaha soo kordha ee dhinaca amniga iyo isku gudubka ah.
Report Abdrahman A ilsar
kafeeye@hotmail.com
Office ceerigaabo
Sorry, the comment form is closed at this time.




















