Munaasabad Balaadhan oo maanta lagu Qabtay cusbutaalka guud ee magaalada ceergaabo ayaa waxa lagu sii sagootinayay Dhakhaatiirtii ka hawlgeli jirtay cusbitakaa
Posted by alxijaas on September 15, 2011
Munaasabad Balaadhan oo maanta lagu Qabtay cusbutaalka guud ee magaalada ceergaabo ayaa waxa lagu sii sagootinayay Dhakhaatiirtii ka hawlgeli jirtay cusbitakaacontact alxijaas.wordpress.com
(CEERIGAABOGNEWS) Dhakhaatiirtan ayaa ahaa labo dhakhtar oo in mudo ah ka hawlgelayay cusbitaalka guud ee magaalada ceergaabo.
labadan dhakhtar ayaa mid ka mida ahaa dhakhaatiirta ugu caalamisan ee ka hawlgeli jirtay cusbitaalka iyada oo munaasabadaa lagu sii sagootinayo loogu qabtay hoolka shirarka iyo xalfadaha ee cusbitaalka guud ee magaalada ceerigaabo.
Dhanka kale munaasabadan waxa iyana ka soo qayb galay madaxda dawlada ee gobolka sanaag iyo masuuliyiin ka socday hay`da caalamiga ah ee (Msf).
munaasabadan ayaa ugu horayntii waxa ka hadalay DR: C/laahi Cabdi Dalmar maamulaha cusbitalka guud ee magaalada ceerigaabo isagoo ka waramay waxyaalihii uu cusbitaalkani soo maray sheegayna in hay`dani gacan laxaadleh ka gaysatay cusbitaalka mudadii ay ka hawlgesay
gebagebadii munasabada lagusii sagootinayay dhakhaatiirtii ka hawlgeli jirtay cusbitaalka guud ee magaalada ceergaabo ayaa waxa mahad balaadhan looga diray goobtaa iyada oo loogu hanbalyeeyay waxa yaabihii ay ka soo qabteen mudadii ay ka hawlgelayeen cusbitaalka
Report Abdirahman ahmed ilsar
kafeeye@hotmail.com
Sorry, the comment form is closed at this time.




















